Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo ka wada degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la wareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10-km u jirta degmada Cadale.

Howgalladani oo la sheegay iney yihiin kuwo lagu sugayo amaanka degaanadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku-xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Maxamed Cali Bariise.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in degaannada laga saaray Al-Shabaab ay ahaayeen goobo muhiim u ah oo ay kasoo maleegi jireen weerarada ay soo qaadaan, iyagoo intaas ku daray in haatan ay socdaan howlgallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.

“Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga xoreeyay nabad-diidka ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo dhibaato ba’an ku hayay Dadka halkaasi ku nool” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Wasiirada Difaaca ee Somalia & Itoobiya?

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo lacag siiyay kana farxiyay arday kasoo jeeda Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliban oo Mareykanka ku eedeeysey inuu xadgudbay heshiiskii Doha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---