Madaxweyne Waare oo digniin ka soo saaray doorashada Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhoweeyey dhismaha maamulka cusub Galmudug oo dowladda Soomaaliya ka wado Dhuusamareeb, isagoo dhinaca kale ka digey iney halkaas ka dhacdo doorasho khalalaase wadata.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Waare ka jeediyey munaasabad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis laftagareen oo Baydhabo lagu qabtay.

“Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayuu ku daahay tusaalaha koonfur Galbeed qaata, waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho khalalaase wadata” Madaxweyne Waare.

Waare ayaa intaas ku daray in waqti badan ay qaadatay in Maamul loo dhan yahay laga dhiso degaannada Galmudug, loona baahan yahay in la dhiso doorasho loo dhan yahay oo an kala qeybsanaan abuurin.

Waxaa uu ku baaqay in maamulka Galmudug looga baahan yahay inuu noqdo maamul wada shaqeyn fiican la leh DF oo la mid ah Hirshabelle iyo Koonfur galbeed, si dowladnimada loo ilaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -