Ciidamo katirsan Dowlada oo lagu dilay Duleedka magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Deegaanka Carbiska ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay kooxo biskoolado ku hubeesan deegaankaasi ku dileen labo askari oo katirsanaa ciidanka Dowlada .

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan toogteen labo askari oo xiligaasi ku sugneyd goob biibito ah, waxaana dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday ragii dilka .

Labada askari ee la dilay ayaa la sheegay in ay katirsanaayeen ciidanka Milatariga Soomaaliya waxaana magacyadooda goob joogayaal ku kala sheegeen Maxamed Cali Baashi iyo Cabdi Dhagool.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray halka lagu dilay labada askari, ciidamada ayaana baaritaano ay sameeyeen ku guul dareestay in ay soo qabtaan ragii dilkaasi geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -