Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Cabdifitaax Al Sisi

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay telfoon kula hadlay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Masar Cabdifitaax Al Sisi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Masar guusha uu ka gaaray doorashadii dhacday, waxa uuna Farmaajo u sheegay Sisi in ay dowlada Soomaaliya ku faraxsan tahay in mar kale la doorto.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kawada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxa ayna isla qaateen in labada dhinac laga wada shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Wadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahd celiyay Madaxweynaha dalka Masar taageerada joogtada ah ee dowlada Masar la garab taagan tahay Soomaaliya , waxa uuna ka codsaday in halkeeda uu kasii wado taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda  Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -