Warbaahinta Imaaraadka Oo bilowday Dacaayad ka dhan ah Xiriirka Somalia iyo Qatar ( Daawo Sawirro)

Warbaahinta Imaaradka Carabta ayaa bilowday in ay faafiso waxyaabo aan jirin oo ku saabsan dalka Qatar si loo xumeeyo xeriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wargeysyda iyo baraha YouTube ee Imaaradka laga leeyahay ayaa faafinaya Qatar waxa ay dooneysaa in ay maalgeliso al shabaab, fikirka Irhaabiyiinta ayey ku faafinayaan Soomaaliya, Qatar waxa ay gubeysaa Soomaaliya iyo ma ahan dal awood leh.

Warbaahinta ayaa si toos ah ololahan u bilowday waxaana halku dhig ay ka dhigteen “Soomaaliya Hajarto Xeriirka Qatar”.

Waxa ay warbaahinadan ay soo bandhigeen baaritaan been ah oo uu san daabicin Jariirada Wikileaks  ee xogaha faafisa oo sheegeya in Qatar ay maalgeliso Al shabaab, iyagoo sidoo kale u gafaya Madaxda Dowladda sida agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo ay sheegeen inuu yahay Safiir u gooni ah maamulka Dooxa.

Maxamed Cali Saciid Atam oo dalka Qatar magangalyo ka helay ayaa lagu tilmaamay in u shaqeeyo Al shabaab iyo dowladda Qatar  kaa oo ka soo goostay Al Shabaab 2016, balse Qatar ku aaday Qorshe Magangalyo oo loogu magic daray“Barnaamijka xubnaha sare ee kasoo goosta Al-Shabab”; oo Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh xiligaas bilowday si looga dhiiro geliyo  in xubnaha sar sare ay kasoo goostaan ururka Al-Shabab.

Warbaahinta Imaaradka ayaa tusaale u soo qadanaya dad Soomaaliyeed oo shaqo iyo tababar u aaday dalka Qatar waxaana ay ku sheegayaan in ay tahay qorshe dalka looga dhameynayo Ciidamada Soomaaliya iyadoo Mushaar badan la siinayo Askariga Soomaaliga ah ee dalkaasi ee Qatar ka howlgalaya.

Si walboo ay ahaato xeriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya dowladaha Qatar Iyo Soomaaliya tan iyo markii Soomaaliya ay dhexdhaxaad ka noqotay xasaradaha gacanka carbeed, waxaana aad u xumaaday rajadii Imaaradka ka lahaa Soomaaliya.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

abdiazizh99@gmail.com

Xigasho: Warbaahinada Imaaradka Carabta Sida Al-Cayn Al-Aqbariyah Iyo Al Xaqiiqiyah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -