Allbanaadir.com
NEWS

Musaveni oo shaaciyey tirada ciidamadisa looga dilay weerarkii Buulo Mareer

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa shaaciyey tirasa askarta looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weeraray todobaadkii hore saldhigga ciidamada ATMIS ee Ugandha ku leeyihiin degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha ayna cagta mariyeen saldhigii ay halkaasb ku lahaayeen.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 54 askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha, laguna dhaawacay tiro kale

Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Kama hadlin Musaveni waxa ka jira askar nool oo Al-shabaab ay sheegeen iney ku qabteen weerarkaas oo qeyb ka ahaa weeraro Al-shabaab mudooyinkan la beegsaneysay xeryaha ciidamada DF iyo ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Gobolka Bakool oo la weeraray

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaale oo shaaciyey hal arrin oo uu ku bixiyay waqtigiisa ugu badan

Caydiid Ali

Mashruuca Dhismaha Wadada isku xirta Jalam iyo Xarfo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---