Madaxweyne Laftagareen oo si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradsan DF (Sawirro)

Xuska sanadguuradii 1-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee Magaaladda Baydhabo.

Waxaa ka qeyb galay munaasabadaas Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiye ku-xgeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Shiikh Ibraahim (‘Muudey)’ iyo madax kale oo fara badan.

Lafta-gareen oo ka hadlay munaasabadaas ayaa ka waramay waxqabadkiisii mudadii sanadka aheyd ee uu xilka hayey, wuxuuna xusay in inta badan lagu guuleystay qorsheyaahii uu dejiyey maamulkiisa, inta hartayna lagu guda jiro isagoo u mahad celiyey shacabka Koonfur galbeed oo uu muujiyey taageero iyo wada shaqeyn.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradsan DF oo uu ku eedeeyey iney hal haleys ka dhigteen waxyaabo xaqiiqada ka fog sida xasuuq Baydhabo ka dhacay iwm.

“Waxaa la yaab leh in rag siyaasiyiin mucaarad ah sheeganaya ay habeen iyo maallin ku cel-celiya waxyaabo been abuur ah sida xasuuq ka dhacay Baydhabo iwm, iyagoo aan imaanin, isla markaana aan fahamsaneyn xasuuq waxa loola jeedo” ayuu yiri Laftareen.

Waxaa uu intaas ku daray in maamulkiisa uusan u dulqaadan doonin wixii hadda ka dambeeya waxyaabaha been abuurka ah ee siyaasiyiinta mucaaradka ay caadeysteen iney ka sheegaan magaalada Baydhabo.

Shacabka Koonfur galbeed ayuu ugu baaqay iney midoobaan, meelna uga soo wada jeestaan sidii ay u horumarin lahayeen degaanadooda. aysana dheg jalaq u siinin siyaasiyiin daneystayaal ah oo aan ka shaqeyneynin danta ummada sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -