Howlgal lagu soo qabqabtay ciyaal Weero oo xalay laga sameeyay xaafado katirsan Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Kaaraan ayaa xalay sameeyay howlgal balaaran oo lagu soo qabqabatay ciyaal weeraro dhibaato ku hayay dadka ku dhaqan degmadaasi.

Howlgalka ciidanka sameeyeen waxaa hoggaaminayay taliyaha saldhiga booliiska Kaaraan iyo guddoomiyaha degmadaasi, waxa ayna ciidamada si gaar ah u beegsadeen xaafadaha ay ku badan yihiin ciyaal weerada.

Ciidamada ayaana gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah ciyaal weerarada oo xilligaasi watay ulo iyo sidoo kale tooshah badan, waxaana dhallinyaradaasi ciidamada qabteen la geeyay saldhiga booliiska Kaaraan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada lasoo qabqabtay ay ku jiraan kuwa ay horey uga digeen falalkan balse dhagaha ka fureesteen, waxa uuna ugu baaqay waalidiinta in caruurtooda ceshadaan.

Xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa qatyaan looga joogaa dhallinyaro ciyaal weero ah oo dilal ,dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta dadka ku dhaqan xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan, Dharkeenley iyo Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -