Madaxweyne Trump oo xayiraad dhinaca Socdaalka kusoo rogaya afar dal oo Afrikan ah

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warameysa in Madaxweyne Donald Trump uu qorsheenayo in xayiraad dhinaca socdaalka ah uu kusoo rogo afar wadan oo kuyaala Qaarada Afrika.

Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Wall Street waxa uu ku sheegay in uu ka fekerayo cunaqabateyn dhanka socdaalka ah uu kusoo rogo Wadamo kuyaala Qaarada Afrika, waxa uuna ka gaabsaday Trump shaacinta magacyada wadamadaasi.

Sida ay tabinayaan Warbaahinta dalka Mareykanka wadamada la filayo in Madaxweynaha dalka Mareykanka kusoo rogo xayiraada dhinaca socdaalka ayaa kala ah Wadamada Eritrea, Nageria, Sudan iyo Tanzaaniya.

Liiska wadamada cusub uu xayiraada dhinaca socdaalka ah kusoo ragayo Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa la filayaa in si rasmi ah shaaca looga qaado maalmaha soo socda sida ay baahiyeen Warbaahinta Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horey xayiraad dhinaca socdaalka ah ugu soo rogay Wadamo ay ku jiraan Soomaaliya, Liibiya, Ciraaq iyo Siiriya, waxaama xayiraada cusub saameyn ku yeelan doontaa dad badan oo kasoo jeeda wadamo hor leh oo kuyaala Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -