Allbanaadir.com
NEWS

Nin dil u geestay Walaalkiis oo gacanta lagu soo dhigay iyo hadal heyn ka dhalatay dilkan

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay nin xalay dil argagax leh xaafada Waabari ee magaalada Dhuusomareeb ugu geestay Nin ay ilmo adeer ahaayeen.

Sida aan wararka ku heleyno nin magaciisa lagu sheegay  Faa’id Salaad Caraale ayaa xalay dil aad looga naxy waxa uu u geestay nin ay ilmo adeer ahaayeen oo lagu magacaabayay Raage Saalax Caraale.

Ninka dilka geestay ayaa la sheegay in uu baxsaday, ciidamada amaanka oo sameeyay howlgalo ninkaasi lagu baadi goobayay ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglahja.

Taliyaha Booliiska Dhuusamareb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle C/lahi Xasan Macallin ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglaha ayna socdaan baaritaano.

Magaalada Dhuusomareeb ayaana saakay aad looga hadal hayaa dilkan naxtinta leh ee ka dhacay, walina lama oga sababta keentay in gacan kahadal dil sababay uu dhaxmaro labo nin oo ilmo adeer ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Ciidamada dowlada federaalka oo ku wajahan Degmada Ceel Waaq iyo Masuul ka hadlay

Cabdi Cade

Maraykanka oo War ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab ku qaaday xerada Camp Simba

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay qaabkii khudbadiisa looga reebay xaflada caleemo saarka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---