Aabe canugiisa fal arxan daro ah kula kacay oo Maxkamad la soo taagay (Daawo Sawirro)

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika ayey maxkamadi xukuntay ka dib markii uu dhisme ka soo tuuray cunug yar oo sannad jira oo uu asaga dhalay usbuucii la soo dhaafay.

Aabbaha dhalay ilmahan ayaa horay loogu helay inuu geystay dambi ah dil sida uu weriye ku sugan dalka Koonfur Afrika ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Waxaa laga duubay muuqaal asagoo ilmaha yar ka tuuraya dusha dhisme uu saarnaa, xilli ay dad ka mudaharaadayeen dhismayaal la burburinayey oo ku yaalla magaalo-xeebeedka Port Elizabeth.

Jaraa’id ka soo baxa magaaladaasi ayaa barta Twitter-ka la wadaagay sawir muujinaya askari badbaadinayey ilmahan yar.

Booliska ayaa goobtaasi duminayey iyagoo sheegay in dadka daggan goobtaasi ay ku daganaayeen si sharci darro ah.

Ninkan oo gurigiisa uu ahaa guriga kaliye ee aan la burburinin ayaa waxaa caawiyey haweeneyda dhashay ilamaha guriga laga soo tuuray.

Waxa uu saarnaa dusha dhismaha muddo shan daqiiqo ah ka hor inta uusan ilmaha yar ka tuurin ,waxaa sidoo kale buuqayay dadka joogay goobtaasi iyagoo ku qeylinayey erayga “soo tuur”sida ay Herald ku soo warrantay.

Ninkan oo aan helin fursad uu racfaan ku qaato ayaa wuxuu xabsiga ku jiri doonaa tan iyo inta laga gaarayo dhagaysiga dambe oo ku began 23 April.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Democratic Allaince oo lagu magacaabo Nqaba Bhanga ayaa soo dhaweeyey in laga diiday ninkan wax damaanad ah.

“Waxaa dalka Koonfur Afrika ka jira xaalad lagu carqaladeynayo xaquuqda ay leeyihiin carruurteenna, waxaana rajeynayaa in bulshadan iyo aabbaha ilmahan yar dhalay ay ogaadaan in nolosha carruurteenna ay aad muhiim u tahay”ayuu ku sheegay waraysi uu bixiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -