Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliska oo hal qodob kala dardaarmay ciidamo dhowaan tababar loo furay (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidankaas ayaa kormeeray dugsiga tababarka Gen. Kaahiye.

Waxaa uu halkaas kula kulmay Ciidan bo qol ka badan oo dhowaan tababar loo furay kuwaasoo ka mid noqon doona ciidanka Booliska.

Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay Ciidankaasi ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkeystaan noocyada kala duwan ee tababarka la siinayo, ayna oggaadaan in ujeedada tababarka loo siinayo ay tahay inay noqdaan kuwa dalka iyo dadka u adeega.

Sidoo kale Taliyaha, ayaa kormeeray qeybaha kale ee Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha dugsigaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qeybtii ugu dambeysay Ciidamada Maraykanka oo ka baxaya Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Qalbi jabka qabiilka & qiyaaliga qalin-wadaha !! (Qormo Xaqiiqda ku saleesan)

Cabdi Cade

Sagaal dal oo si toos ah loogu tagi karo Baasaboorka Soomaaliya Fiiso la’aan (Akhriso)

Cabdi Cade