Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay degaanka Mooyaale & Wararkii ugu dambeeyey

Degaanka Mooyaale ee ku yaalla xadka ay wadaagaan dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay galabta qarax xoogan oo khasaare geystay.

Qaraxa oo ahaa mid culus oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada ayaa ka dhacay boosteejada basaska laga raaco ee degaanka Mooyaale sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya, waxaana la aaminsan yahay inuu qarxay bam halkaas la dhigay.

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxan, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 kale oo qaarkood ay xaaladdooda liitado, lana dhigay goobaha Caafimaadka.

Qaraxa ayaa dhacay sida dad goob joogayaal ah sheegayaan xilli goobta basaska laga raaco ay ahayd mid aad u mashquul badan ayna ku sugnaayeen dad aad u fara badan.

Ciidamada amaanka ayaa la soo sheegayaa iney gaareen goobta la qarxiyey, iyagoo halkaas ka wada baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka oo mar kale helay muddo kordhin farsameysan !

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Soomaali laga soo daayay Xabsiyo kuyaala Liibiya oo Muqdisho la keenay

Cabdi Cade

Madaxweyne Gaas oo Shir Jaraa’id ku qabtay dalka Imaaraadka kana hadlay Arimo Xasaasi ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---