Muwaadiniin u dhashay China oo lagu qafaashay weerar ka dhacay dalka Nigeria

Kooxo hubeysan ayaa qafaashay saddex muwaadin oo Shiinees ah, waxayna dileen labo shaqaale maxalli ah oo ka shaqaynayay mashruuc koronto oo ku yaalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

Dableydan ayaa weeraray shaqaale ka tirsan biyo xireenka Korontada ee Sino-Hydro oo ka shaqeynayay taawar khadka isgaarsiinta oo ku taal tuulo, sida uu sheegay booliisku.

Ka dib markii ay rasaas ku fureen booliska, saddex qof oo Shiinees ah ayaa la afduubay, waxaana la soo badbaadiyay afar kale oo ka mid ah dadka ay isku dhalashada ahaayeen, sida uu sheegay afhayeenka booliska Niger Wasiu Abiodun.

Shaqaale Shiinees ah iyo laba shaqaale maxali ah ayaa waxaa haleeshay rasaas waxaana markii danbe ay ku dhinteen isbitaalka

Booliska wadajirka ah iyo kooxaha militariga ayaa bilaabay ugaarsi ay ku raadinayaan shaqaalaha maqan.

Kooxaha burcadda ah ayaa waxay ku lug lahaayeen afduubka carruurta dugsiyada iyo muwaadiniinta caadiga ah ee inta badan gobollada waqooyi iyo waqooyi-galbeed, taasoo sii kordhinaysa ammaan-darrada la dagaallamayo kooxaha Islaamiyiinta ah.

Budhcaddu waxay inta badan fuliyaan afduubyo madax-furasho ah waxayna dib ugu noqdaan kaymaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -