Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo maanta Ansixiyay Dhawr Hindise-sharciyeed oo Muhiim ah

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL, waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab ay weerareen kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ku dagay Badda cas (Sawirro)

Caydiid Ali

Xabad joojintii ay ku heshiiyeen Azerbaijan iyo Armenia oo burbur qarka u saaran

Caydiid Ali

Guddiga qaban qaabada Munaasabada 1-da Agoosto oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---