Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

QM oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay duufaantii ku dhufatay bariga Somalia

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dabaylihii iyo roobabkii toddobaadkii hore ku dhuftay degaannada xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay ku dhinteen lix qof.

War qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Mioobay ayaa lagu sheegay in degaannada ku yaalla Gobollada Bari iyo Nugaal ay dad ka badan 32 kun oo qof ay dabaylahaasi ku waayeen waxyaabihii noloshooda ay ku tiirsanayd.

Waxay sidoo kale sheegtay Qaramada Midobay in dabaylahaasi ay barakiciyeen 4,800 oo qof .

Sidoo kale waxay dabaylaha iyo roobabka duufaanta Pawan ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale, gaar ahaan magaalooyika Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray.

Waxay sheegtay Qaramada Middoobay in dadka ay dabaylahaasi saameeyeen ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, hoy, mara-kaneecooyin, dhar carruureed iyo agab kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tiktok oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Ruushka iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade

Amar cusub oo laga soo saaray Mooto Bajaajka laga soo dejiyo dekeda Muqdisho

Caydiid Ali

Nin loo waday in la soo aaso oo daqiiqadihii ugu dambeeyey soo kacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---