Nin loo waday in la soo aaso oo daqiiqadihii ugu dambeeyey soo kacay

Shaqaalaha isbitaalka dalka Kenya ayaa argagaxay kaddib markii nin ay dhakhaatiirta xaqiijiyeen geeridiisa la arkay isagoo nool.

Peter Kigen, oo 32 jir ah ayaa markii hore isagoo gurigiisa jooga istaagga ka dhacay, waxaana loola cararay isbitaalka.

Talaadadii ayey dhakhaatiirta isbitaalka Kapkatet ee ismaamulka Kericho xaqiijiyeen inuu geeriyooday, waxaana markaas kaddib loo gudbiyay qeybta lagu keydiyo meydadka, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah, oo ay ku jiraan wargeyska Standard iyo telefishinka Citizen.

Laakiin mar qura ayuu shaqaalihii qeybta meydadka lagu keydiyo ka khalkhaliyay kaddib markii uu soo toosay iyagoo u diyaariyay in la aaso.

Walaalkiis ka yar, oo uu soo xigtay wargeyska Standard ee kasoo baxa Nairobi, ayaa sheegay in mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha isbitaalka ay goor horeba u sii sheegtay in Peter uu geeriyooday.

Wuxuu intaas ku daray in isagu uu ahaa qofkii Mr Kigen isbitaalka geeyay.

Hase yeeshee, madaxa maamulka isbitaalka, Gilbert Cheruiyot, ayaa warfidiyeenka u sheegay in bukaanka eheladiisa aysan muddo kale sugin in xaqiijin labaad lagu sameeyo geerida Mr Kigen, ayna si iskood ah ugu qaadeen qeybta meydadka lagu keydiyo si loo aaso.

Waxaa lagu soo warramay in bukaankan uu qabay xanuun muddo dheer uu la il-darnaa.

Ninka inuu dhintay loo qaatay balse dib mar kale usoo kacay ayaa qudhiisa waxa uu warbaahinta u sheegay inuu “ku faraxsan yahay noloshiisa, isagoo wacad ku maray in hadda wixii ka dambeeya uu u go’i doono faafinta diintiisa”.

“Ma rumeysan karo waxa dhacay. Sidey ku xaqiijiyeen inay geeriyooday?, Waxaan Ilaah uga mahad celinayaa badbaadinta uu nafteyda badbaadiyay, isaga ayaan u adeegi doonaa inta ka harsan nolosheyda,” ayuu yidhi Mr Kigen.

Telefishinka Citizen, oo ah mid aad loogu xidhan yahay, ayaa hadalka uu ninkan ku yidhi luuqadda Sawaaxiliga kasii daayay kanaalkooda.

XIGASHO: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -