Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Gudoomiyay shir Muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed.

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, James Swan, maamule gobaleedka Bangiga horumarinta Afrika ee arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, madaxa Bariga Afrika ee wasaaradda iskaashiga dhaqaaha dowladda Jarmalka,

iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Rwanda, Uganda iyo Kenya, ayaa kulanka ka sheegay in maal gelinta khayraadka biyaha dalka ay muhiim u tahay horumarka bulshada.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in 24% dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 15.44 milyan, ay heli karaan biyaha ay u baahanyihiin Sababo la xariira in aysan jirin awood iyo hannaan biyaha lagu soo saaro oo fududeyn karta in bulshadu ay hehso biyaha ay u baahantahay.

Ra’iisul wasaaaraha oo u mahad celiyay deeq bixiyayaasha, ayaa sheegay in loo baahanyahay in lasii joogteeyo taageerada, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo oo ah in shanta sano ee soo socota ay dadka Soomaaliyeed helaan biyo ku filan iyo in la maamulo khayraadka biyaha arrintaas oo qayb ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, yareynta qalaqaalaha ka dhasha biya la’aanta iyo saameynta abaaraha.

Kualnka waxaa goob joog ka ahaa, ergooyinka ka qayb gelay shirka Caalamiga ah ee madasha ishaashiga Soomaaliya ee maanta Muqdisho ka furmay, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -