Muxuu Raisul Wasaaraha Soomaaliya ku soo arkay degmada Berdaale? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqday degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur galay xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo tegay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga gaarayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka, waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -