(Sawirro) Abiy Ahmed oo la gudoonsiiyey abaal marinta caalamiga ah ee Nopel Peace

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Oslo lagu guddoonsiiyey abaal-marinta caalamiga ee nabadda ee Nobel, isagoo cambaareeyey kuwa fidiya naceybka rabshadaha ku salaysan qowmiyadaha ka wada dalkiisa.

“Kuwa fidiya naceybka iyo kala qeybsanaanta waxay qalalaase ka dhex abuurayaan bulshadeena ayaga oo adeegsanaya barasha bulshada,” ayuu Abiy ku yiri khudbaddiisa aqbalaadda abaal-marinta.

“Waa inaan ka hortagnaa sunta naceybka,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo Dhinaca kale ammaanay doorkii ay Eritrea, oo ay cadow isku ahaayeen dalkiisa, ka cayaartay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace oo uu maanta aqbalay.

Abiy ayaa abaal marintan ku helay laguna ammaanay dadaalkiisa xal u helidda qalalaasaha muddada ka dhex aloosana labada dal ee deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea.

“Anigoo ku hadlaya magaca Itoobiyaanka iyo Eritreyanka, gaar ahaan kuwa wax kaste u hurey nabadda, ayaan aqbalayaa abaal marintan” ayuu yiri Abiy, oo ka hadlayey munaasabadda abaal marinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -