(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cagjar iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland?

Madax-weynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa la kulmay Wafdi uu hoggaaminayo, Taliyaha ciidamada Maamulka Somaliland oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Jigjiga.

Waxaa kulankan looga hadlay xoojinta iskaashiga laamaha ammaanka ee DDS iyo Somaliland.

kulankan ayaa waxaa ka qayb galay, masuuliyiinta Nabadgelyada degaanka, saraakiisha ciidamada qaranka ee Bariga iyo xubno kale.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa kulankaas ka sheegay in degaanka Soomaalida iyo maamulka Somaliland ay yihiin labo degaan oo deris ah ayna muhiim tahay iney iska kaashadaan amniga xuduudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -