Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay weerar hubeesan lagu qaaday ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland xili ay marayeen gudaha Boosaaso.

Dabley hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen gaari ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland xili ay marayeen Isgooska Nedko ee magaalada Boosaaso.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa weerarka ku dhintay halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana baxsaday dableydii weerarka ku qaaday ciidanka.

Ciidanka maamulka Puntland oo gaaray goobta weerarku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan dadkii weerarka ka dambeeyay, mana jirto wali cid sheegatay masuuliyada weerarkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin qarax ka geysan rabay Muqdisho oo la toogtay & qof rayid ah oo la dilay

Caydiid Ali

Xogta Ninkii Hogaaminayay Weerar lagu dilay Saraakiil badan oo Kenyan ah oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Morgan Tsvangirai oo ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---