Xildhibaan Dacwad ka gudbinaya Warbaahinta dowlada iyo Sababta keentay

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Warbaahinta dowlada gaar ahaan Telefishinka Qaranka , Radio Muqdisho iyo Wakaalada Sonna in aysan baahin kulankii Baarlamaanka ee shalay.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Warbaahinta dowlada aysan baahin kulankii Xildhibaanada su’aalaha shalay ku weediinayeen Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka ee Xukuumada Soomaaliya oo shalay Baarlamaanka hortagay.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Warbaahinta Qaranka in aysan dhax dhaxaad u aheyd Ha’adaha dowlada ayna kaliya baahiso sida uu tilmaamay wararka ay jecelyihiin madaxda Villa Soomaaliya.

”Waxaa ayaandarro weyn ah In wakaaladda wararka SONNA, SNTV iyo Radio Muqdisho oo ku magacaaban In ay warbaahin qaran yihiin aysan baahin midkoodna fadhigii isla xisaabtanka ahaa ee golaha shacabku yeeshay kaasoo laba wasaaradood oo kala ah Amniga Gudaha iyo Duulista hawada su’aalo hawlahooda la xiriira xildhibaanadu ay ka weydiinayeen, warbaahintii canshuurta qaranka lagu maalgaliyey ayna aheyd In ay u sinnaato hey’adaha dawladda waxey isu bedeshey mid hawlaha iyo dhacdooyinka ay jecel yihiin Madaxda Villa Somalia un baahiya, ayadoo tani ay ka marqaati kacayso wadadii kali-talisnimada in dalku afka saaray.” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaana sheegay in Dacwad ka dhan ah hab dhaqanka Warbaahinta Qaranka uu u gudbin doono Gudoonka Golaha Shacabka si loola xisaabtamo cidii bixisay amarka aan lagu baahin kulankii isla xisaabtanka ee Xildhibaanada la yeesheen Wasiirada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -