Xogta Ninkii Hogaaminayay Weerar lagu dilay Saraakiil badan oo Kenyan ah oo la shaaciyay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa jimcihii jidka u galay gaari Bas ah oo ka baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kuna sii jeeday magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari .

Dableyda weerarka ku qaaday gaariga baska ah ayaa dilay 11-qof oo 8-kamid ah ahaayeen saraakiil ciidan , waxa ayna kooxda weerarka qaaday dadkii baska saarnaa u kala saareen Muslimiin iyo Kirishtaan iygaoona dilayay dadka aan muslimka aheyn.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in weerarka ka dhacay duleedla degmada Wajeer uu hogaaminayay Maxamed Xuseen Xasan oo horey ugu noolaa magaalada  Wajeer .

Warka kasoo baxay Sirdoonka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in weerarkan khasaaraha badan dhaliyay uu hogaaminayay Maxamed Xuseen oo ahaa macalin horey wax uga dhigi jiray dugsi hoose oo kuyaala Wajeer.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu dilay saraakiil iyo dad kale oo Kenyan ah, waxaana weerarkan qeyb ka noqpnayaa weeraro badan oo horey Al Shabaab uga geesatay gudaha dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -