Dagaal saakay dib uga bilowday Deegaanada Towfiiq iyo Af Barwaaqo iyo dowlada oo Ciidamo …

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay deegaano katirsan gobolkaasi dib uga bilowday dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in saakay aroortii dagaal culus dib uga bilowday meelo ku dhaw Deegaanada Towfiiq iyo Af Barwaaqo oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday dagaal salka ku haya qabiil.

Dagaalka labada maleeshiyo beeleed dhax maraya ayaa lasoo sheegayaa in hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay nabada qaataan ayna joojiyaan dagaalka, waxa ayna dowlada sheegtay in ciidamo u direyso deegaanada dagaalka uu ka socdo si ay u kala dhax galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Dagaalka saakay dib uga qarxay deegaanadan katirsan gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xili saakay la filayay in deegaanadaasi gaaray Odayaal kasoo jeeda beelaha dagaalamaya si ay nabada uga shaqeeyaan loona joojiyo colaada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco Wararkaaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -