Gudigii Baaritaanka dilka taliyihii Booliska G/Hiiraan oo warbixin hordhac ah soo saaray

Guddi uu Madaxweynaha Hirshabelle u xil saaray inay baaritaan ku sameeyaan sida uu u dhacay dilka taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col. Maxamed Macow Xalane ayaa soo saaray warbixin hordhac ah.

Col. Max’ed Macow Xalane ayaa ku dhintay shaqaaqo maalmo ka hor ka dhacday degaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan ka dib markii ay halkaas isku fara saareen ciidamada Hirshabelle iyo kuwo daacad ah guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Dabageed.

Guddiga ayaa sheegay in kiiskaas loo xirxiray lix  askari oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen, isla markaana ay meel wanaagsan mareyso baarista.

Guddoomiyaha guddiga oo ah taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Hirshabelle Cali dhuux Cabdi Mahadalle ayaa sheegay inay la kulmeen ehelada taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Marxuum Max’ed Macow Xalane, isla markaana la isku afgartay in maanta oo Jimce ah Meydka  la’aaso.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in baaritaankooda ay ku soo qabteen 6 ruux oo ku eedeysan dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan, isla markaana weli baaris kale ay wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -