Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gabar isku daldashay Magalada Hargeysa iyo sabab yaab leh oo ka dambeysay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya, in gabar ardayad aheyd oo wax ka baran jirtay mid ka mid ah iskuullada magaalada ay is daldashay,

Leylo Cabdi Maxamed ayaa meydkeeda laga helay hoygeeda oo ku yaalla xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Aabe Cabdi Maxamed oo dhalay Leyla ayaa xaqiijiyey in gabadhiisa ay nafta is dhaafisay, uuna si weyn uga murugeysan yahay falka ay ku dhaqaaqday.

Wararka ayaa sheegaya in Leyla au qudha iska jartay markii ay ka ka war heshay iney ka gudbi weysay imtixaanka shahaadiga ee Somaliland ee natiijadiisa shalay lagu dhawaaqay.

Asxaabta, ehelada iyo deriska Marxuumada ayaa sheegay in Leyla ay aheyd gabar akhqaal leh, degan, waxbarashada aad ugu dedaali jirtay, ayna amini weysay iney ku dhacday imtixaanka sidaas awgeedna ay isku daldalashay, waxayna sheegeen inuu filan waa ku noqday falka ay ku kacday, ayna aad uga naxeen.

Inkastoo dadka isdaldala ay sanadahan ku soo badanayeen Soomaalida haddana ardayda iyo dadka la midka ah ayaan looga baran iney ku kacaan falka isdilka ah oo shareecada islaamku ay xaaraan-tinimeysay.

 

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleemo saarka William Ruto (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo ka hadashay sida laga yeelayo Dadkii Kheyre kusoo dhaweeyay Gaalkacyo iyo Lacagtii uu …

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho iyo Rag hubeesan oo ka dagaalamaya..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---