Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo war kasoo saartay weerar ay ka fulisay gudaha dalka Kenya 

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar qorsheesan ku qaaday deegaan lagu magacaabo Dhicise oo ku dhaw magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la wareegay deegaanka gaar ahaan saldhig ay lahaayeen ciidanka booliiska, waxa ayna Al Shabaab dab qabad siiyeen xarun deegaankaasi ku laheyd shirkada Isgaarsiinta Safaricom.

War kasoo baxay Al Shababa ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda la wareegeen deegaanka Dhicise , waxa ayna Al Shababa sheegeen in deegaankaasi kasoo rarteen agabyo kala duwan ay lahaayeen ciidanka booliiska.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada booliiska Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto, Al Shabaab ayaana deegaanada ay weerarada ka fuliso sidoo kale ku bartilmaameedsata saldhigyada iyo xarumaha shirkada Safaricom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare khayre oo hakiyey Mashruuc ku kacaya 112 milyan oo dollar (Sababta)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Kaniisadii Jigjiga oo la gubay & rabshadaha oo sii xoogeystay

Caydiid Ali

Fanaan hurdo la’aan ku riday Madaxweyne Musaveni oo Maxkamad la soo taagay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---