Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay nin weerar geesan rabay (Sawir)

Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa soo bandhigtay nin ay sheegeen in ciidamada amaanka qabteen xili uu doonayay in uu geesto weerar bambaano.

Qoraal ay Hay’ada NISA soo bandhigtay barta Twitterka ku leedahay ayey ku sheegtay in ciidamada qabteen ninkan xili uu bambaano weerar ku geesan rabay, mana sheegin NISA halka lagu qabtay ninkan iyo magaciisaba.

”Ciidamada Amniga, ayaa  gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.

Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigtay xubno ay ku sheegtay in Al Shabaab yihiin kuwaa oo lagu qabtay howlgalo ciidamada ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka baxsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -