Erdogan oo si adag u difaacay Heshiiska muranka dhaliyay ee dhinaca Badda ay la galeen Dowlada ….

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hor yimid dhaleeceyn loo jeedinayo dowladiisa oo ka dhalatay heshiis aan la faah faahin oo ay la galeen dowlada Liibiya.

Dowladaha Turkiga iyo Liibiya ayaa dhawaan kala saxiixday Heshiis Xukuumada Aknara u ogolaanaya inay hesho xuquuqda dhul-badeed baahsan, oo sidoo kale ay raadinayeen dalal ay ka mid tahay Greece.

Heshiiskan shakiga badan dhaliyay faah faahintiisana la qariyay ayaa magaalada Istanbul waxaa ku kala saxiixday Turkiga iyo Liibiya, waxaana Xukuumada Liibiya u saxiixay heshiiskan Ra’iisul wasaaraha dowladda la aqoonsan yahay ee Libya Fayed al-Sarraj.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu saddex meelood meel kordhinayo qalfoof-badeedka Tukrey, una ogolaanayo inay hesho dhul-badeed dhowaan la ogaaday inay ka buuxaan gaas iyo saliid oo dhaca bariga badda Mediterranean-ka.

Madaxweyne Erdogan oo garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kula hadlayay Wariyaasha ayaa sheegay in heshiiska labada dal dhax maray uu yahay mid madax banaan oo xaquuq labada dalba leeyihiin.

Heshiiska Turkiga la galay Liibiya ee ku aadan dhul badeedkan waxaa horey u raadinayay dalal ay kamid yihiin Greece, Cyprus iyo Masar, waxaana dalalkan ay ka niyad jabeen heshiiska dhax maray Xukuumada Ankara iyo Tripoli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -