Ciidanka PSF oo ka hadlay Wararka sheegaya in ay ka baxeen Aaga Galgala

Ciidanka gaarka ah ee maamulka Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa beeniyay warar soo baxayay oo sheegaya in ay ka baxeen fariisimo ciidankaasi ku lahaayeen buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay qeybta Warfaafinta ee ciidanka PSF ayaa lagu beeniyay in ay ka baxeen aaga Buuraha Galgala, waxa ayna sheegeen in ciidanka ay wali sidoodii u joogaan saldhigyadooda .

”Ciidamada PSF waxay ku sugan yihiin Talisyadooda iyo saldhigyadooda difaaca ee Galgala, Sugure, Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo si ay cadowga uga ilaaliyaan dadkooda iyo dalkooda, Ciidanka PSF wuxuu had iyo jeer diyaar u yahay la dagaalka kooxaha cadowga ee Al Shabaab iyo Daacish,waanan sii wadi doonnaa dagaallanka cadowga bartilmaameedsanaya shacabkeena Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warar sheegayay in ciidamada Puntland ay ka baxeen aaga dagaalka ee buuraha Galgala, hasa ahaatee waxaa warkan hada meeshay ka saaray Ciidanka PSF oo warkaasi beeniyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -