Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS oo Muqdisho laga xusay (Daawo Sawirada)

Munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada iyo Guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Koonfurata iyo Bartamaha ayana ka qayb galeen Xildhibaano ka tirsan Labada  aqal , Musuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Banaadir,, Dadka la nool Xanuunka HIV iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa Munaasabadaas lagu xusayey Maalinta AIDS-ka  Aduunka  Warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Guddiga ka hortaga HIV/AIDS ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Jimcaale waxaa uu sheegey in Gudigooda ay ku Guuleysteen in ay Urur  u sameeyaan Dadka la nool Xanuunka HIV oo uu sheegey Gudigooda  in ay qabteen Howlo fara badan oo u badan wacyigeli si loo yareeyo Faquuqa dadka la nool Xanuunka HIV.

Xubnihii kale ee Munaasabadaas ka Hadley waxaa ka mid ah  Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir  Baarqaba waxay sheegtey in dadka la nool Xanuunka HIV ay qabaan dhibaatooyin badan sida darteed waxaan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka in ay gacan siiso dadka la nool xanuunka HIV.

Munaasabadaas lagu xusayey Maalinta AIDS-ka waxaa kaloo ka Hadley Madaxa Xakameynta Mashruuc ee HIV ee Wasaarada Caafimaadka Sacdiyo Cabdisamad waxay sheegtey in Xanuunka HIV  sida Bulshada u haystey iyo heerka maanta uu marayo ay muuqatp Isbedel aad u weyn loona baahan yahay in bulshada halkaas ka sii wado.

Shiikh Sayid Aba Shiikh oo ah Gudoomiyaha Ururka dadka la nooL HIV/AIDS  ayaa daboolka ka qaadey  in gabi ahaanna Albaabada la isku dhuftey Xafiskii ay la haayeen dadka la nool Xanuunka HIV ka dib markii uu ururka uu iska bixin waayey wixii tashiilaad ah ee u baahnaa Xafiiskaas isagoo sheegey in Xirirtaanka Xafiiskaas ay waji gabax ay ku tahay Dowladda Federaalka.

Mukhtaar Cabdirisaaq Yuusuf oo ah Agaasimaha Arrimaha Bulshada Madaxtooyada  oo isna Munaasabadaas ka Hadley waxaa uu sheegey in Cabashada ay qabaan dadka lana nool HIV ay gaarsiin doonaan Dowladda Federaalka si ay u helaan xaquuqda ka maqan .

Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Cabdulaahi Xaashi ayaa waxaa uu sheegey in aad uga xun yihiin xirnaanshaha Xafiiskii ururka dadka la nool HIV, isagoo sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay dib u eegis ku sameyn doonto Xafiiskaas sidoo kale waxaa u sheegey in wasaarada ay diyaarisey Sharciga Caafimaadka iyo Daawooyinka isagoo hoosta ka xariiqey in Sharcigaas uu wax badan qaban doono.

\Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo Gudoomiyaha Gudiga arrimaha Bulshada ee aqalka sare  oo ka Hadley Xafladaas ayaa waxaa uu u mahadceliyey intii soo qabanqabisey  Munaasabadaan isagoo sheegey in ay jirto halis fara badan oo ka imaaneysa Isbitaalada la furanayo iyo Dhaqaatiirta Ajaaniibta ah ee dalka imaaneysa  sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in Wasaarada Caafiimadk ay il gaar ah ku eegto.

Ugu Dambeyn waxaa  Munaasbadaas ka Hadley Wasiir ku xigeen Wasaarada Caafimaadka       Maxamed Saciid waxaana uu sheegey in Wasaarada ay ka qayb qaadan doonto sidii daryeel Caafimaad iyo mid Nololeed  loo siin lahaa Dadka lana nool Xanuunka HIV, sidoo kale waxaa uu sheegey in Wasaarada Caafimaad ay wado qorshayaal ah sidii dadka la nool Xanuunkaas ay u heli lahaayeen wixii Xaquuq ay ku leeyihiin Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -