Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jubada dhexe

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada JilibĀ  eeĀ  gobolka Jubbada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya milateriga Soomaaliya 30-kii Bishii November oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib, isla markaana ay la beegsadeen duqeyntaas xubno ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas balse waxay sheegeen inay baarayaan.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ilaa iyo inta Mas’uuliyada amniga dalka ay ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka oo looga digay Faro gelinta uu ku hayo Siyaasada Soomaaliya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo laga cabsi qabo in Door weyn ku yeeshaan Doorashada soo socota

Cabdi Cade

Akhriso: Jadwalka cusub ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---