Ciidamo lagu daadiyey Dhuusamareeb iyo DF oo amar cusub ku soo rogtay

Dowladda Somalia ayaa ciidamo aad u hubeysan ku daadisay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud si ay u xaqiijiyaan amaanka magaalada, iyadoo halkaas ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaaf ka taagan doorashada Galmudug.

Ciidamada ayaa la dhigay wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah, iyadoo horey laamaha amaanku u mamnuuceen in hub lagu dhex qaato magaalada marka laga reebo ciidamada amaanka.

Saraakiisha laamaha amaanka DF ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale mamnuucay shirarka aysan ka warqabin ee lagu qabanayo hoteelada iyo magaalada qeybaheeda kale, iyadoo amarkan lagu wargeliyey milkiilayaasha hotelada.

Waxaa sidoo kale milkiilayaasha hotelada magaalada looga digay in talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono haddii hoteeladooda lagu qabti shir aan ogolaasho ka heysan laamaha amaanka.

Arrimahan ayaa ku soo beegmay xili magaalada ay kulamo uga socdaan madaxda hoggaanka Ahlu-Sunna oo ka shiraya go’aankii ay ka qaadan lahaayeen jadwalka doorashada ee uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -