Dowlad Carbeed oo dhax dhaxaadineysa dowladaha Iiraan iyo Mareykanka

Waxaa sii xoogeesanaya xiisada siyaasadeed ee xiligan ka dhax aloosan dowladaha Iiraan iyo Mareykanka, waxaana labada dal madaxdooda hawada isku marinayaan fariimo xaalada uga sii daraya.

Dowlada Qadar oo xiriir wanaagsan la leh labada dal ee colaada u dhaxeyso ayaa biloday dadaalo ay ku dooneyso in xaalada lagu dejiyo ayna kawada hadlaan labada dal ee Mareykanka iyo Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sheekh Maxammed binu Abdulraxmaan Al-Thani  ayaa sheegay in ay dowladiisa bilaabeyso dadaalo lagu wada hadal siinayo dowladaha Iiraan iyo Mareykanka si colaad looga baaqsado.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowladaha Ingiriiska ,Qadar iyo dalal kale ay xirir la sameeyeen dowladaha Iiraan iyo Mareykanka si xal loogu helo xiisadda sii xoogeysaneysa ee gobalka Bariga Dhaxe.

Sheekh Maxammed binu Abdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in labada dalba ay sheegayaan in aysan xiligan rabin dagaal iyo colaad, waxa uuna xusay in ay doonayaan in labada dal u furaan albaabada wadahadalka.

Xiisada Mareykanka iyo Iiraan ayaa soo cusboonaatay kadib markii maamulka Trump uu ka laabtay heshiiskii Nukliyeerka ee Mareykanka iyo Iiraan horey u galeen, waxaana xiligasai waxii ka dambeeyay sii kordhayay xiisada siyaasadeed ee labada dal ka dhaxeesa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -