Isku day lagu soo xiri rabay Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo guuldareystay

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa goor dhow isku dayey iney soo xiraan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in xarunta Wasaarada ay tageen ciidamada dowlada oo wata Warqad Waaran Maxkamadeed oo lagu soo xirayo wasiirka.

Hase ahaayee markii ay galeen Xarunta Wasaaradda ayaa waxaa khilaaf uu soo kala dhex galay ilaalada Wasiir ku-xigeenka oo is hor taagay xarigiisa iyo ciidamada halkaas gaaray.

Wasiir ku xigeenka oo la saaray gaari Ciidamada Booliska leeyihiin ayaa la sheegay inuu ka dalbaday ciidamada inuu gaarigiisa aanay xabadu karin fuulo, si uu u raaco, waxaana markii gaariga koray uu ka soo xirtay dhexda.

Is-mari waa muddo taagnaa ka dib ayaa waxaa halkaas gaaray Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo amar ku siiyey ciidankii soo xiri lahaa wasiir ku-xigeenka iney halkaas ka laabtaan waxaana socda  hadda wadahadalo arintaas lagu xalinayo sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Wasaarada arrimaha dibeda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa lagu eedeeyey musuq maasuq la xiriira dhaqaale soo gala Wsaarada

Arinta xarigiisa ayaa la sheegay iney salka ku heyso muran u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku aadan lacago Wasaaradda soo gala oo Wasaaradda Maaliyadda dalbatay inay soo wareejiso

La soco wixii ka soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -