Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wariye caan ah oo ku dhintay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Cas Caseey

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay weerarkan lagu qaaday Hotelka Cas Caseey waxaa ku jiray Wariye Caan ka ahaa magaalada Kismaayo oo lagu magacaabayay Mahamed Sahal Omar (Gacmadheere), Wariyahan ayaana la shaqeenayay Telefishinka SBC .

Wariyaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Wariyaha uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaaminta iyo midkii tooska ahaa ee Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo , waxaana dadka ku dhintay weerarka la sheegayaa in ay ku jiraan dad caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mumina Eroba oo ugu dambeyn isku dhiibtay booliska Kenya & wiilkeeda oo la baadi goobayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saddex kamid ah Hoggaamiyaasha Islamic Jihad oo saakay la dilay (Magacyada)

Cabdi Cade

(Akhriso) Xilddhibaano ka tirsan labada Aqal oo qoraal cabasho ah u gudbiyey Midowga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---