Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Hogaanka Ahlu suna oo caawa kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Dhuusamareeb

Xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb waxaa kulan deg deg ah uu uga socdaa caawa hoggaanka ugu sareeya Maamulka Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Kulanka ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira soo xulista Baarlamaanka cusub ee Galmudug iyo jadwalka doorashada Galmudug ee ay maanta soo saareen Guddiga farsamada & Maamul dhisida Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Ahlu suna ayaa diidan hanaanka geeddi socodka dhismaha maamulka Galmudug, iyagoo sheegaya in dowlada Somalia ay uga baxday heshiisyo ay wada galeen.

Xubno ka mid yihiin Macalin Maxamuud, Cabdirisaaq, Al-Ashcari iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulanka ka qeyb galaya waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay qeyb ka yihiin Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ee uu horay u Magacaabey Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa laga yaabaa inay go’aano kasoo saaraan jadwalka doorashada ee Maanta la soo saarey iyo heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka ee madaxda ahlu suna ay sheegayaan in looga baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad Go’aan ka gaartay Dood ka dhalatay Gabdho Diinta Islaamka Qaatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo ansixiyey xeer muran badan dhaliyey

Caydiid Ali

DEG DEG: Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Baladweyne & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali