Sida lagu ogaaday Halkii uu ku sugnaa Ayman al-Zawahiri iyo cida xogtiisa lala wadaagay

Duqeyn dhinaca cirka ah ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ururka Al Qaacida Ayman al-Zawahiri,oo ku sugnaa guri kuyaalla magaalada Kaabuul ee caasimadda dalka Afgaanistan.

Sirdoonka Mareykanka ayaana faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay sida ay ku heleen xogta halka uu kunoolaa hohhgaamiyaha Al Qaacida iyo qoyskiisa oo ugu dambeyn Mareykanka sheegeen in duqeyn lagu dilay.

Horraantii sannadkan ayaa saraakiisha Maraykanku waxay ogaadeen in xaaska hoggaamiyaha, gabadhiisa iyo caruurteedu inay u guureen guri qarsoon oo ku yaalla caasimadda Kabul, sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanku.
saraakiisha ayaa ugu dambayn ogaaday halka uu ku sugan yahay Ayman al-Zawahiri, taas oo ah guri qarsoon oo ku yaalla isla caasimadda Kabul.

Horraantii bishii April ee sannadkan ku xigeenka la taliyaha amniga ee Aqalka Cad Jon Finer iyo la taliyaha amniga gudaha ee madaxweyne Biden Elizabeth Sherwood-Randall ayaa lala socodsiiyey xog sirdoon oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa al-Zawahiri. waxyar kadib, waxaa warbixinta sirdoonka lala wadaagay la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan.

La taliyaha Amniga Qaranka ayaa markaas ka dib xogta sirdoon la wadaagay Madaxweyne Biden, xilli ay saraakiisha sirdoonku ay diyaariyeen warbixino ka imanaya ilo kala duwan iyo qorshe lagu hawlgeli karo.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in ururka Taliban ay warqabeen joogitaanka al-Zawahiri ee Kabul, isaga oo intaas sii raaciyey, in taasi ay keentay inaan wax digniin ah oo hordhac lala wadaagin ururka Taliban ka hor intii aan hawlgalka la fulin.

Dawladda Maraykanka gudeheeda, waxaa hawlgalkan lala socodsiiyey oo keliya tiro aad u kooban oo ay ku jiraan saraakiisha sarsare ee qaabilsan dhinaca ammaanka, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Bishii July 1-deedii ayaa madaxweyne Biden si rasmi ah loogu sharaxay qorshaha hawlgalka, isaga oo ku sugan qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad, waxaana madaxweynaha lala socodsiiyey guriga uu ku dhuumaalaysanayo al-Zawahiri, halkaas ayuuna ku bixiyey amarka ugu dambeeya ee lagu fuliyey hawlgalka, maalinimadii Khamiista. al-Zawahiri ayaa xilliga weerarka lagu qaaday wuxuu taagnaa barxadda (Baalcony-ga) guriga uu ku dhuumanayey.

Zawahiri oo ah dhaqtar u dhashay dalka Masar, isla markaana noqday mid ka mid ah shakhsiyaadka ku eedaysan falalka argagixiso ee loogu doonista badan yahay caalamka, ayaa la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001-dii oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -