Gudoomiye ku-xigeenka G/Banaadir oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee Uganda (Sawirro)

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee dhanka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ibraahin Cumar Mahadale (Ibraahin Dheere) ayaa kulan kula qaatay magaalada Kampala ee Dalka Uganda qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda.

Gudoomiyaha ku-xigeenka ayaa jaaliyadda kala hadlay arrimo badan ku saabsan xaaladda dalka marayo gaar ahaan xaaladda gobolka bandaadir iyo guulaha uu ku talaabsaday intii gudoomiyuhu joogay. Gudoomiye Ibraahin Dheere ayaa sheegay in gobolka banaadir uu hada horumar dhanka amaanka ah ku talaabsaday, isagoo sheegay in la adkeeyay amaanka caasimadda ayna dowladda dhexe iyo gobolka iska kaashanayaan amniga caasimadda, ayna si gaara ah u shaqeeyaan degmooyinka iyo laamaha amaanka ee gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay sidoo kale intii uu siihayaha xilka Gudoomiyaha gobolka ahaa (markii marxuun Eng. Yareesow geeriyooday) uu sameeyay waxqabad muuqda ay dadka u riyaaqeyn.

Dhankooda jaaliyadda ayaa su’aalo ku saabsan xaaladda dalka wax ka waydiiyay gudoomiyaha isagoo dhankiisa dhamaan ka shaafiyay waxii su’aal ah ay qabeen. Kulankan oo ahaa kulan ay dad badan kasoo qayb galeen ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u qurux badan

- Advertisement -