(Sawirro) RW Khayre oo kormeeray Xarumaha Muhiimka ah ee dowlada qaarkood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Bangiga dhexe ee dalka iyo Wasaarada Maaliyada Somalia

Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bankiga la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha & maamulka Bangiga dhexe ee dalka.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maareynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta.

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay heyadaha Maaliyada dowlada ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -