Arrin Mucjiso ah oo la soo deristay qoys Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah (Sawirro)

Qoys Soomaaliyeed oo ku nool meel ku dhow degaanka Yoonbays oo qiyaastii 100-km u jirta magaalada Garowe ayaa la kulmaya arrin argagax iyo cabsi ku abuurtay oo la yaab leh.

Xubno ka tirsan Qoyskan oo xoolo dhaqato ah ayaa sheegay in wax aan la arki karin ay bireynayaan arigooda, gaar ahaan waxaraha yaryar, mana garanayaan ciidda waxaas sameyneysa. Ariga qaar ka mid ah waxaa laga jaray dhegaha, naasaha iyo lugaha.

Cabdiwali Faarax Warsame oo ah aabaha qoyskan ayaa sheegay in dhacdadaas ay reerka la kulmayeen muddo shan maalmood ah, ayna garan la’ yihiin cid ay la xiriiriyaan.

“Arigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan, Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.” ayuu yiri Cabdiwali oo sheegay in shalay ay seddax neef sidaas noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale.

“Ma aanan maqal dhacdadan oo kale cid ay horey ugu dhacday, horeyna umaynaan arag, wax sheegayana ma jiraan, Wax aan ognahay oo cillad ah ma jirto, waan baarnay waana waynay. Ma ogin wax sabab ah oo kallifaya in sidan wax noqdaan “, ayuu yiri Cabdiwali.

Reerkan ayaa billaabay Quraan akhris. Waxay u yeerteen afar wadaad oo 30-ka jus dhammeeyay, balse “weli arrintii way socotaa”, sida uu aabaha reerkaas xaqiijiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -