Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukun adag oo lagu riday Ninkii isku qarxin rabay Xafladdii Ahlu Suna (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Ninkii isku qarxi rabay Hogaanka sare ee Ahlusunna xaflad ka socotay Magaalada Guriceel iyo nin kale oo la shaqeynaayay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute (Shuute) guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Maxamuud Cabdi C/raxmaan lagu helay dembiga ah inuu doonayay inuu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo Munaasabada ay dhigayeen Ahlusunna Waljameeca, taasoo ka dhacday Guriceel dhowr bilood ka hor.

Gudoomiye Shuute ayaa sidoo kale sheegay Cali Dhubad Nuure Siyaad oo ka tirsan dadka degaanka ahaana shaqsigii Guriceel keenay Maxamuud Cabdi C/raxmaan isna lagu helay dembiga ah inuu gacan siinayey dembiilaha hore.

“Maxkamadu markii ay aragtay qiraalka labada dembiile, iyo cadeymaha la horkeenay, dhegeysatayna markhaatiyaal ku marag furay waxaa u cadaatay in labada dembiile ee kala ah Maxamuud Cabdi C/raxmaan iyo Cali Dhubad Nuure Siyaad ay galeen dembiyada lagu soo kala eedeeyey, waxayna maxkamadu ku xukuntay labadooduba xabsi daa’in” ayuu yiri gudoomiye Shuute.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo indhahooda kusoo arkay Saameynta Roobkii Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga DDS oo markii u horeysay la siiyey gaadiid dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---