Golaha Wakiilada Somaliland oo markii lixaad muddo kordhin loo sameeyey

Kulan ay Maanta Magaalada Hargeysa ku yeesheen Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay muddo kordhin u sameeyeen markii lixaad Golaha Wakiiladda Maamulkaas.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Salebaan Maxamed Aadan oo kulanka shir guddoominayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 71 xibnood oo codeyn ka dib isku raacay in muddo laba sano ah waqtiga loogu kordhiyo Golaha Wakiiladda Soomaaliland.

70 ka mid ah 71 xubnood ee fadhiday kulanka golaha guurtida ayaa ogolaatay in xiliga loo kordhiyo golaha wakiilada Somaliland.

Waa markii lixaad ee muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana Golaha Wakiillada oo xilka haya muddo 15-sano ah loo jeediyaa dhaliilo badan oo ay wajahayeen muddooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -