Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Iska hor imaad xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaw ka dhacay xeradii hore ee ciidanka Saban Saban ee kutaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka degmada iyo maleeshiyaad u abaabul qaab beeleed kuwaa oo doonayay in si sharci daro ah u dhistaan dhul la isku heesto oo halkaasi kuyaala.

Iska hor imaad daqiiqado socday ayaa halkaasi ku dhax maray ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka hubeesan, waxaana markii dambe goobta isaga cararay maleeshiyaadkii hubeesnaa.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadkan waxaa ku dhintay hal qof oo dumar ah halka ay ku dhaawacmeen labo qof uu ku jiro Xoghayihii maamulka degmada Dayniile Mahad Sharaawe oo lagu daweenayo Isbitaal kuyaala Muqdisho.

Xaalada goobtii lagu dagaalaay ayaa hada ah mid degan, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada amaanka maamulka degmada iyo kuwa booliiska kuwaa oo xaqiijinaya amaanka goobtaasi.

Xerada Ciidanka ee Saban Saban ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay, waxaana dagaalka halkaasi kusoo noq noqda inta badan salka ku hayaa dhulka dowlada oo la isku qabsado lahaan shihiisa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -