Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo indhahooda kusoo arkay Saameynta Roobkii Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka Saalax Jaamac  oo ay wehliyaan xubno kamid ah golaha wasiirada, guddomiyaha gobalka Banaadir iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ayaa xalay kormeer ku sameeyay saameyntii ka dhalatay roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan dowladda katirsan ayaana kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha uu saameynta badan ku yeeshay roobkii da’ay , waxa ayna qiimeyn ku sameenayeen khasaaraha uu roobka geestay.

Inta ay kormeerka wadeen masuuliyiinta dowladda katirsan ayaa waxa ay tageen biyo dhigeenno ku yaala degmooyinka Wadajir, Waaberi, Howlwadaag iyo Warta Nabadda, iyada oo dadka danyarta ah durba lala gaaray booyado biyaha bixiya iyo raashin ay sii isticmaalaan.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa wado qorshe ballaaran oo wax loogu qabanayo dadka ku waxyeeloobay roobabka shakay da’ay iyo istiraatiijiyad looga hortagayo soo noqoshada dhibaato noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga Sahan oo Walaac ka muujiyay talaabooyin ay qaaday Xukuumadii dhacday

Cabdi Cade

Weerar lagu laayey dad isku qoys ah oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Rabshado xoogan oo mar kale ka bilowday magaalada Baydhabo iyo Isgaarsiinta oo la jaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---