Axmed Madoobe oo safarkii ugu horeeyey dibeda ku aaday tan & dib u doorashadiisa

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Kismaayo isagoo ku sii jeeda Magaaladda Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa dayuurad gaar ah ka qaaday Kismaayo taasoo mar kale jebisaya amarkii ay soo rogtay DF ee ahaa in duulimaadyada u kala goosha Kismaayo iyo Nairobi ay soo maraan Xamar.

Maamulka Jubbaland kama hadlin ujeedada safarka Axmed Madoobe uu ku tagayo Kenya balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu la xiriiro xalinta khilaafka ka taagan maamulka Gedo, isagoo Nairobi kula kulmaya masuuliyiin ka tirsan gobolkaas.

Warar kale oo aan la xaqiijina waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu Nairobi kula balansan yahay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni si looga wada hadlo xalinta khilaafka dowlada dhexe & Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -