Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Qarax ka dhacay degmada Aw-dheegle iyo Ciidamada dowlada oo howlgalo wada

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa howlgalo baaritaano ah ka wada qeybo ka mid ah degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Baaritaanada ayaa yimid ka dib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowlada oo marayey duleedka degmadaas.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, iyadoo war kooxdu ku faafisay baraha taageera ay ku sheegtay in 10 ka mid ah ciidamada dowlada ay qaraxaas ku laayeen, qaar kalena ku dhaawaceen.

Saraakiisha ciidamada dowlada kama hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxan, mana jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen.

Shacabka degmada Aw-dheegle ayaa sheegaya in xalay illaa saaka ay hareeraha degmada ka maqlayeen rasaas goos goos ah oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee howlgalada balse uusan jirin wax iska horimaadyo ah oo halkaas ka dhacay.

Xoogaga Al-shabaab oo dhowaan laga qabsaday degmada Aw-dheegle ayaa dhowr jeer weeraro culus ku soo qaaday degmadaas si ciidamada dowlada ay mar kale ugala wareegaan balse uma suuragelin weli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Dayniile oo nolosha ku qabtay nin katirsanaa Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Xero Milatari oo kutaala…

Cabdi Cade

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali oo xilka la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---