War Cusub oo kasoo kordhay Muxaadaradii Sheekh Umal ku qaban lahaa Muqdisho

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in mar kale la baajiyay muxaadaradii muranka badan dhalisay ee la filayay in Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabto garoonka Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada muxaadarada Sheekh Umal ayaa xaqiijisay in la baajiyay muxaadaradii beri oo Axad ah uu Sheekh Umal ku qaban lahaa garoonka Eng Yariisow.

Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa ka gaabsaday in ay ka hadasho sababaha loo baajiyay muxaadarada la qorsheenayay in beri la qabto, waxa ayna kaliya xaqiijisay in muxaadaradaasi la baajiyay.

Suufida ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor yimid muxaadarada Sheekh Umal ku qaban lahaa garoonka Eng Yariisow, waxa ayna shalay afaafka hore ee garoonka ka dhigeen banaan bax ay muxaadarada uga soo horjeedaan.

Culimada Suufida ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in ay baajiso muxaadarada uu Sheekh Umal ku qabanayo garoonka Eng Yariisow , waxa ayna Sheekh ku eedeeyay in uu yahay xagjir.

Lama oga in muxaadarada Sheekha gabi ahaan la baajiyay iyo in mar kale la qaban doono, waana markii labaad oo muxaadarada la baajiyay, waxaana muxaarada Sheekh Umal hareeyay mucaaradad xoogan ka imaaneysay dariiqada suufiyada ee Muqdisho kunool.

 

- Advertisement -