Dowlada oo War kasoo saartay Sababta gabi ahaanba loo joojiyay Muxaadaradii Sheekh Umal

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay muxaadaro la filayay in Sheekh Maxamed Cabdu Umal oo kamid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan uu ku qaban lahaa garoonka ciyaaraha ee Eng Yariisow.

War Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in muxaadarada la joojiyay kadib tashwiish ay wasaaradu sheegtay in muxaadarada lagu furay.

Waxa ay wasaaradu sheegtay in Sheekh Maxamed Cabdi Umal inta uu magaalada Muqdisho joogo uu qaban doono barnaamijyo Wacyigalineed oo ka bixi doono warbaahinta kala duwan ee dalka.

Halkan ka akhriso War Saxaafadeedka Wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA AWQAAFTA & ARRIMAHA DIINTA XFS,
Bismillaahi Wa salaatu Wa salaamo Calaa Rasuulilaah
قال تعاىل: ) واعتصموا حببل هللا مجيعا وال تفرقوا(، أل معران، أية 301
وقال س بحانه : ) وأ طيعوا هللا ورسوهل وال تنازعوا فتفشلوا وتذهب رحيمك واصربوا ان هللا مع الصابرين ( ا لنفال/64 .صدق هللا العظمي

Maanta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 26 Rabiicul Awal 1441 ee taariikhda Hijriyada, isla markaana ku beegan 23 November 2019, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey soo saartay war Saxaafadeedkan:

1. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ayaa masuul uga ah Dalka Arrimaha Diinta Sida uu qabo Dastuurka JFS, Qodabka 3aad Faqradiisa 1aad.

2. Wasaaraddu waxay cadaynaysaa in ay dexdhaxaad u tahay dhammaan argatiyada kala duwan ee Culumada Soomaaliyeed, waxey-na kulmisaa culimada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

3. Wasaaradda waxey u mahad celineysaa dadaallada Sheeikh Maxamed Cabdi Umal iyo Culimadii la socotay ay ka geysteen gargaarka shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelobay Fatahaadihii ka dhacday Gobollada Dalka qaar kamid ah.

4. Wasaaradda waxey sheekha uga mahad celineysaa Khudbaddii uu ka jeediyay Masjidka Isbaheysiga oo si wanaagsan u dhacday.

5. Kadib Markii ay qeyb kamid ah bulshada Soomaaliyeed oo ka codsaday Sheekh Maxamed Cabdi Umal in uu qabto Muxaadaro Guud ayuu sheekha aqbalay, arrintaa oo ay soo dhaweeyeen hay`daha Xukuumadda oo ay wadaaraddu hormuud ka tahay.

5. Waxaa ayaan darra ah in tashwiish lagu furay qabashada Muxaadarada Sheekha oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka & sida looga hortgo” waxuu Sheekhu soo jeediyey asagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo,
Wasaaraddana wey ku waafaqday soo jeedintaas.

6. Sheekha waxuu qaban doonaa inta uu dalka joogo barnaamijyo Wacyigalineed oo ka bixi doono warbaahinta kala duwan ee dalka.

7. Wasaaradda waxay diyaar u tahay in ay Sheekha Maxmed Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigalineed xilliga ku haboon, Isla markaana ay diyaar u tahay soo dhaweynta dhammaan culumada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomaliyeed oo xilligan baahi weyn loo qabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -